Weftigii balaadhnaa ee ka socda Xukuumadda JSL

Weftigii balaadhnaa ee ka socda Xukuumadda JSL islamarkaana uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Mudane, Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md, Saleeban Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Gaadiid iyo Horumarinta Jiddadka, Md, Cabdirisaaq Ibraahim Ataash, Jananka Ciidamadda Qaranka, General Nuux Ismaaciil Taani iyo jananka ilaaladda xeebaha Gen Xiirane, Maayirka Magaalada Laascaanood, Cabdixakiim Cali Ismaaciil iyo Saraakiisha kala duwan ee Ciidamadda qalabka sida ayaa maanta kullan balaadhan la yeeshay Cuqaasha iyo waxgaradka Gobolka Sool gaar ahaan Magaalada Laascaanood, kullankaasi oo ay goob ka ahaayeen maamulka gobolka iyo kan degmada Laascaanood.

Kullankan oo ay soo qaban qaabisay Dallada Ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF isla mar ahaantaana ujeedadiisu daaranayd Adkaynta Nabad-gelyada iyo Is-dhexgalka Bulshada Gobolka Sool ayaa waxa laysku waydaarsaday sidii kor loogu qaadi lahaa Amniga Gobolka cidkastaaana u qaadi lahayd masuuliyad amni, sidoo kalena wixii ay ka shakiyaan lasoo socod siiyaan laamaha ammaanka si nabad gelyada gobolku u noqoto mid ku taagan tiir adag iskuna xidhnaadaan Dadweynaha Laamaha nabad gelyada iyo Maamulka Gobolka ee heer Degmo iyo heer Gobol.

Sidoo kalena Hay’adda SONSAF ayaa halkaasi ka ballan qaaday inay sii wadi doonto ka shaqaynta Kulamadda noocan ah ee is-dhexgalka bulshada iyo adkaynta nabad-yada sidoo lena ay gaadhi doonto dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Sool.