Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, iyo Wasiirka arimaha Gudaha..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Arrimaha gudaha ahna gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa gurigiisa ku booqday caawa fiidkii Madaxweynihii Afraad ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna aas-aasihii Xisbi xaakimka Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), iyadoo ay maalinta berri ah iu beegan tahay xuska Sannad Guuradda 20aad ee ka soo wareegtay aad-aaskii Xisbiga Kulmiye oo uu rukumada u taagay Madaxweyne Axmed Silaanyo.
Waxaanu madaxweynuhu Alle uga baryay madaxweynaha hore inuu cimriga iyo caafimaadkaba u siyaadiyo kuna simo guulaha uu ku tallaabsano Qaranka Somaliland iyo xisbigii uu seeska u dhigay 20 sanno ka hor.