
Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa hambalyo kal iyo laab ah u diray ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta la xusay sannad-guuradii 28-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskooda, waxana uu caddeeyey inay xukuumaddu u hagarbaxday ciidanka Booliska, maadaama oo ay yihiin furaha dhismaha nabadda.