Gudoomiyaha Guddida Xuska Qaban-qaabada 18-ka May


Gudoomiyaha Guddida Xuska Qaban-qaabada 18-ka May, ahna wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdala Maxamed Carab iyo qaar ka mid ah xubnaha
wasiirada ee Guddida  ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ee ku sugan magaalada Hargeysa.
Shirkan oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta, ayaa waxa ka soo qayb galay qaar ka mid ah ururada bulshada.
Ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii loo dardargelin lahaa ka qaybgalka ururada bulshada ee xuska maalinta Qarannimada Somaliland ee 18-ka May.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in bulshada rayidka ah ay door muuqda ku yeeshaan u diyaar garowga iyo dabaal-degga munaasibaddan18 May,
iyada oo lagu dhiirri gelinaayo wada-shaqayn Dawladda Ururada Bulshada.
   Allaa Mahadleh
 .....Dhammaad.....