Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan Ballaadhan la qaatay Masuulinta Xukuumadda, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Togdheer, Masuulinta Golaha Degaanka Magaalada Burco iyo Masuulinta Xisbiga KULMIYE.Kulankan ayaa daarnaa u diyaar garowga soo dhowaynta Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo maalmahan ku wajan magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, iyadoo Bulshada Magaalada Burco iyo guud ahaan Gobolka Togdheerba ay si wayn isugu diyaarinayaan qaabilada iyo soo dhowaynta Madaxweynaha Somaliland. Kulankan ayaa ka qabsoomay Guriga Madaxtooyada ee Magaalada Burco.
Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.